Jun 15, 2012

WAA MAXAY JACAYL?

Khuburo badan ayaa isku waafaqan in jacaylku yahay xanuun ka mid ah xanuunada dhimirka ku dhaca isla markaana sababa dhacaan kiimikeed ka soo dareera qayb ka mid ah maskaxda kaas oo sameeya dhamaan qaybaha jirka, jacaylku marka aynu u hadlayno qaab dhaqan ama sida ay ka aaminsanyihin dadka aan adeegsan dhibigu waa dareen lama filaan ah oo ay keento baahida ruux u qabo walax uu ogyahay in ay anfaco u leedahay isla markaana uu u hayo xiise iyo xushmo gaar ah, marka laga tago dadka oo ah wax garad isla markaana diimooniin kara dareenkisa waxan tusaale uso qaadan karnaa xayawaanka oo marku arko ama dareemo walax uu is leeyahay dan gaar ah aya kuugu jirta laga dareemo astaamo fara badan sida:
1. Carabka oo u soo saaro 2. Qamaam iyo orod 3. Ismiskiinin iyo dareen muujin 4. Dhiilo iyo xoog ku helid 5. Jeelid iyo xanuun ku dhaca la'aanta walaxdaas, mar haddii aynu aragnay xayawanki aan yeerayn astaamaha ka soo ifbaxa marka ay indhaha ku dhuftaan ama ayba moogaadaan walaxday ka heleen maxad dadkii moodaa. Dadku waa xayawankas o caqli leh waxyaalo badana qarsada sidaas o ay tahay markay la kulman walax ay jecelyihin waxa ku dhacda astamahan aynu ku xusayno hoos: 1. Dareen farxadeed xad dhaaf ah 2. Gacmo dhidid 3. Wadnaha oo aad u bood booda 4. Indhaha oo ka jeesta wax kasta oo wanaag iyo qurux la leh dadka marka laga rebo waxa u jecelyahay 5. Amateed xumo astaamahas iyo qaarkaloo badani waxay soo if baxaan xili kasta oo qofka in dhihisu qabtan walaxdas u jecelyahay walow ay astaamuhu ukala qaybsaman hadba jcylku waxa u ku dhisanyahay. Mahadsanid [warbixinta xigta waxan kaga hadli doona jacaylka aadamiga ka dhex dhasha]


fadlan noo soo dir wixx talo iyo tusaale ah...






No comments:

Post a Comment