Oct 15, 2011

WAA MAXAY SHUKAANSI?

Waxaa iska caddaan ah marka la soo qaado erayga shukaansi in dad badan ay dhagta taagayaan oo ay niyadooda ku soo dhacayso inan iyo inan hasaawe dhex marayo taas oo jirta ayaan hadana waxaan jeclahay in aan halkan ku falanqeeyo shukansiga iyo waxa uu yahay.
haddaan wax yar ku nasano erayga shukaansi waxaa jira erayo kale oo la macne ah kuwaas oo aan isku dayi doono in aan lafo gurno. erayadaasna waxaa ugu caansan xodxodosho,haasaawe,sheekaysi iyo erayo kale oo somaligu aad ayuu u badanyahaye aan halkan agu soo koobi karayn.
SHUKAANSI: macne ahaan waxay noqon kartaa qalqaalo iyo ku qancin in ruux ku dhiirado falida wax ruux kale uu dan bidayo, waxaadna maqashaa dhalinta oo marar badan leh odaygii aabe ahaa ayaan xoogaa lacag ah ka shukaansanayey isaga oo
ula jeeda qalqaalo, hadaanse ka eegno dhinaca eraygu asal ahaan u taaganyahay waxaan oran karnaa waxaa
eraygan la isticmaali karaa tusaale ahaan marka ruux ama gabar ama wiil uu arko ruux qanciyey isla markaana uu damco in uu soo xero galiyo soo jiidashada uu sameeyo ha ahaato ficil ama hadale waa shukaansi.
XOD-XODASHO: waxay la macne tahay shukaanse laakiin waxa ay u qaastahay raga waliba waxaan oran karnaa marka qof aad loogu qalqaaliyo guur ama gaabsi ayadoo qofka awood dheeraad ah la saarayo.
HAASAAWE: haasaawuhu waxa uu u badanyahay in aan ku tilmaamno sheeko caadi ah oo dhex marta lbo ruux oo horay isu soo shukaansday.
XIRIIR: waa marxalada ugu danbaysa ee shukaansiga waxaana ku soo koobaynaa lafogurka wixii labada ruux isku soo shukaansadeen guur iyo gaabsi.
by: AUTHOR








BACK TO HOME
FIKIRKAAGA WAA NOO MUHIIM IYO KOMENTIGUBA

No comments:

Post a Comment